Welcome to www.hamaradde.com










FINE ARTS by SHEKIS










HAMARADDE DAILY NEWS



HABRAACA MARXALADA KALA GUURKA 2011
20/07/2011
23/07/2011
26/07/2011
Cabdiwelii ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin la sameeyo
26/07/2011
Yaa iska leh eedda abaarta Soomaliya
29/07/2011
Warbixin ay j. quruumaha ka dhaxaysaa ka soo saartay Somalia
06/08/2011
Shabaab oo isaga baxay Muqdisho
13/08/2011
06/09/2011
Qodobo lagu kala saxiixday Shirkii wadatashiga ee Muqdisho
04/10/2011

Qarax wayn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. In kabadan Toddobaatan ayaa dhintay, Waxaa uu ka dhacay xarun ku taal agagaarka Number Afar oo ay deggan yihiin dhowr Wasaaradood.


HALGANKII XISBIGII S.Y.L
15 May 1943


By Cabdulqadir Cali Boolaay

Yaa iska leh eedda abaarta Soomaliya




Xildhibaano kasoo horjeestay Maamul u sameynta Hiiraan
12/03/2012

Muqdisho : (Sh. M. Network)  Xildhibaanadaani ka tirsan golaha barlamanka KMG islamarkaana ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa waxa ay si cad uga soo horjeesteen magacaabistii loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle C/fitaax Xasan Afrax.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Xildhaanadaasi ayaa waxa uu Idaacadda Shabelle u sheegay in uu isagu ka mid ahaa xildhibaanadii gaaray Baladweyne kadib markii dowladdu ay kala wareegtay Al Shabaab, waxaana uu xusay in dadka reer Hiiraan ay baahi u qabaan Maamul loo dhan yahay islamarkaana maamulka hadda la magacaabay hadii ay ku dhan yihiin beelaha Soomaaliyeed uusan lahayn wax dhaliil ah, isagoo carabka ku dhuftay inaysan ogolaan doonin in hogaamiye kooxeed uu hor boodo gobolka Hiiraan.

Daajir Amiin Jeesoow ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in madaxweynaha uu ka soo boxo balamo uu sheegay inuu horay ula galay beelaha ka soo jeeda gobolka Hiiraan kuwaasi oo ku aadanaa maamul u sameynta gobolkaasi, waxaana uu tilmaamay in madaxweyne Shariif haatan ay uga fadhiyaan sidii uu u qancin lahaa beelaha kale ee ka soo jeeda gobolkaasi.

Maalintii shalay ayey ahayd markii dikreeto kasoo baxday Madaxweyne Shariif loogu magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax kaasi oo ku hanjabay in dagmooyinka kale ee gobolkaasi ay ka saari doonaana Xarakada Al Shabaab.


Dibadbax ka dhan ah DKMG oo ka
dhacay Muqdisho
11/03/2012

Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbaxaani oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa maanta waxa Quumiyadda Banaadiriga ah ay ku dhigeen degmooyinka Xamar-weyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, iyago ku dhawaaqayay hadalo ka dhan ah dowladda KMG ah oo uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dadka dhigayay Banaanaxa oo gaarayay ku dhawaad 500-qof ayaa waxa ay wateen Boorar ay ku qornaayeen Madaxweynaha dowladda Turkiga, Xoghayaha guud ee Qaramada Midooba Ban Ki Moon iyo Madax kale kuwaasi oo ay ka codsadeen in guddi xaqiiqo raadin ah ay usoo diraan Soomaaliya si ay u baaraan dhibaatooyinka ay ka tabanayaan dowladda KMG ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Quumiyadda Banaadiriga oo halkaasi kula hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in dhowr jeer ay la xiriireen Madaxweynaha dowladda KMG, gudoomiyaha barlamanka iyo Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda hase ahaatee waxa ay sheegeen in Madaxdaasi ay waxba u qaban waayeen sida ay hadalka u dhigeen.

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Quumiyadda Banaadirga Cumar Shariif Jeeg oo isna goob jooga ka ahaa Banaanaxaasi oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Quumiyadda Banaadiriga la duudsiiyay xaqoodu, isagoo tilmamay inay yihiin dad shaqaysta islamarkaan wax kasoo saarta dalka, hase ahaatee aysan waxba ka helin dowladda KMG ah, maantana ay ka banaanbaxayaan dhibaatooyinkaasi.


Ban ki Moon “Waa in la diyaariyo dhaqan galinta qodobadii shirka Garowe iyo diyaarinta dastuur dalka..."
31/12/2011

Ban ki Moon “Waa in la diyaariyo dhaqan galinta qodobadii shirka Garowe iyo diyaarinta dastuur dalku yeesho ayaa aad loogu baahan yahay waana muhiim in dhinacyada Soomaalida deg deg ugu hawl galaan arrintaas”

Xog'hayaha guud ee QM Ban ki Moon ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay deg deg u dhaqan galiyaan go'aanadii kasoo baxay shirkii wada tashiga ee dhawaan lagu gabo gabeeyay magaaladda Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ban ki Moon ee magaalada New York oo uu saxaafadda u akhriyay afhayeenkiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in xog'hayuhu soo dhaweynayo qodobadii shirkii Garoowe waxaana uu intaa ku daray in loogu baaqayo in dhinacyadii saxiixay hishiiskaasi ay deg deg u dar dar galiyaan si looga baxo waqtiga ku meel gaarka loona gudbo dawlad dhexe oo wadanku yeeshu.

“In la diyaariyo dhaqan galinta qodobadii shirka kasoo baxay iyo diyaarinta dastuur dalku yeesho ayaa aad loogu baahanyahay waana muhiim in dhinacyada Soomaalida deg deg ugu hawl galaan arrintaas” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Ban ki Moon ka soo baxay.

Ban ki Moon waxaa uu xusay in qorshaha tubta nabadda Soomaaliya ee Road Map, ka iuu xal u yahay dhibaatadda Soomaaliya ka jirta iyo in laga gudbo ku meel gaar waxaana uu sidoo kale tilmaamay in Q,M ay sii wadayso taageeradda ay siiso dawlada Soomaaliya si nabad loogu helo gudaha Soomaaliya.

Dawlada KMG, iyo m/mulada GALMUDUG iyo Puntland ayaa dhawaan shirkii magaalada Garoowe ka dhacay ku sheegeen in go'aanadii shirkii Garoowe kla soo baxay ay ka mid ahaayeen in la dhimo tirada xildhibaanadda KMG laguna qeybsado hanaanka 4.5 oo ay dawladu haatan ku dhisan tahay.   


Dowladda Soomaaliya oo bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya”
31/12/2011

Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu bilowday “Howlgalka soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya” iyadoo lala kaashanayo saacidaada beesha caalamka iyo waddamada deriska ah.

“Maanta, shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxey u istaageen la dagaalanka kooxaha sheydaamiinta ee Al-Qaeda iyo Al-Shabaab oo in muddo ah ku hayey argagaxisnimo iyo dil ay u geysteen Soomaali fara badan. Shacabkayagu in muddo ah bey kala kulmayeen silc iyo dhibaato kaga imaneysey kooxaha Al-Shabaab. Maanta waxaan bilownay howlgalladii shacabka Soomaaliyeed looga xorreynayey gumeysiga kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.” Sidaas waxaa yiri Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.

Shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin fara badan baa ka soo gaaray ku hoos noolaashada kooxaha xag-jirka ah oo in muddo ah si waxushnimo ah ula dhaqmayey shacabka. Al-Shabaab waxey ka mid yihiin golaha argagaxisada caalamiga ah ee uu hoggaamiyo kooxda Al-Qaeda.

“Howlgalkan soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya waxuu u socdaa si wanaagsan oo qorsheysan. Saakay, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed waxey goobo muhiim ah ka qabsadeen kooxihii Al-Shabaab ka dib dagaal ku dhexmaray gobolka Hiiraan. Waxaan si rasmi ah u codsaneynaa kaalmada iyo is-garab istaaga beesha caalamka guud ahaan iyo dowladaha deriska ah sida Ethiopia si loo saacido shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed laguna saacido howlgalkan taariikhiga ah.“ Sidaas waxaa yiri Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali.








Sideey Manoogto cartoon by Shekis







Al-Sayid Cumar Bin Yaxya Al-Quscami oo ah ninkii dhisay masjidka CADEYGA ee ku yaalla xaafadda Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho. Masjidkaas illaa iyo hadda waxaad arkaysaa dad reer Xamar-weyne ah oo u yaqaan
masjidkii Xaaji Muuse Al-Guscami


Cabdulqaadir Muxammad Shekis
Cudurka ku dhacay Soomaaliya oo weli daawo loo la'yahay.Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan
yahay meel kasta  uu ku sugan yahay dibadda in uusan heli karin magaalo u dhigan .
“East and West Home is the best “






Dr. CABDULQAADIR X. SUUFI
(MURRIDI GOLF )

( WAA LA AAWEEYA XUSHMEEYA )

Reer Banaadiriga waxaay ahaayeen dad xadaarad leh waxaayna xiriir la lahaayeen ,Carabta waxaayna safar ku aadi jireen doonta lo yaqaan xariin waxayna ku aadi jireen meel ugunji la yirahdo iyo zanzibaar bayacmushtar laga sameen jiay 1950 ki




Magaca Muqdisha waxaa bixiyey nin la oran jiray Cumar Bini Maxamed Al-Calawaan Ashaah oo ahaa wakiilkii Cabaasiyiinta iyo Umaawiyiinta waagaasna magaalada aad uma dhisneyn inta badanna markaas kaddib ayaa la geed qaaday, waxaana sidoo kale yimid waqtiyo kala duwan niman badan oo sahmiyayaal sida Xalwaan Shiraasi oo ah ninkii dhisay Masjid Jaamaca Xamar Weyne,
Sh.Abba wuxuu geeriyooday 17/08/2008 kuna geeriyoday Mukaala ( Yemen )





Dr. Nuraddin Hagi Sciekei
Qoraaga Buugga,
BANAADIRI IYO AL-MANAARA
Waxaanu codsanaynaa anagoo tixraacayna Dastuurka, in dhulkeena hooyo uu noqdo dhul federaal ah, taasina ku salaysan sida dastuurka ku cad, federaalkana in micnihiisu lagu dhaqmo, ha ahaato, maamulka, siyaasada, muwatilnimada iwm.





Taariikhda Hijriyada markay ahayd 149 waxaa magaalada Muqdisho yimid 12 qabiil oo ay kala hoggaaminayeen dad isugu jira Culumaa'uddiin, madax iyo ganacsato reer Xadramuud ah. Waxaa ka mid ahaa qabaa'illadaa Shaanshida, Duruqba, Reer Qaxdaan iyo Reer Makhzuum. Masaajidda ay waqtigaa dhiseen waxaa ka mid ahaa masjidka ay hadda ka muuqato Minaarada C/casiis. Qabaa'illadaasi illaa iyo hadda waxay deggan yihiin magaalada Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kale. 

Sidoo kale 7-dii walaalaha ahaa ee Reer Xaarith, oo isugu jira Culamaa'uddiin, mas'uuliyiin iyo ganacsato ayaa iyana tagey magaalada Muqdisho, iyagoo wata 3 Doomood oo ay la socdeen dad aad u fara badan. 

Dadkaasi waxay ka soo baxsadeen ninkii waqtigaas madaxda ka ahaa magaalada Al-Axsaa. Safarka kooxdaan wuxuu isna door lama illaawaan ah ka qaatay faafintii diinta Islaamka ee Soomaaliya.



 

Qarnigii 7-aad waxaa xukunka Muqdisho Shiiraasiyiintii kala wareegay Amiir Maxamed Cali, oo ahaa masuul ku caan baxay faafinta diinta iyo sameynta saldhigyada Islaamka. Taariikhda Hijriyadu markay ahayd 667 wuxuu dhisay amiirku masjidkyada kala ah:-

^ Muxamadul Awal
^ Masjidka Muxamadu Thaani
^ iyo Masjidka Arbaca Rukun. 

Sidoo kale, waxaa isla qarnigaas sanadii 612-dii Hijriya magaalada Muqdisho yimid Wasiir ka socday Imaamkii waynaa ee Cali ibnu Tabaktakiin Al-kukbari oo loo yaqaan Al-malikul-mudafar. Wasiirkan waxaa magaciisa la oran jirey Sheekh Cusmaan ibnu Xaaji Cali ibnu-sheekh Muxammad ibnu Saciid, wuxuuna xaafadda Shengaanni ee magaalada Muqdisho ka dhisay guryo badan oo saro ah. Wasiirkan waxaa la yimi dad badan oo isugu jirey kuwo la socday iyo kuwa kusoo hirtey. Waxaa la weriyaa in dadkaas dhinaca Malikul- Mudafar ka yimi ay door wayn ka qaateen faafinta diinta Islaamka. 



©opyright: hamaradde.com 2008