Barlamanka oo ansixiyay Wasiirada cusub ee Xukuumada KMG

Muqdisho : (Sh. M. Network) Barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta fadhi ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ansixiyay wasiirada cusub ee Xukuumada ee uu soo magacaabay ra'iisul wasaaraha.

Kulankaani maanta ay isgu yimaadeen Xildhibaanada barlamaanka KMG Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa ansixinta Golaha wasiirada Xukuumada cusub ayna soo xaadireen Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 420-Xildhibaan ayaa maanta waxa uu ka dhacay Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha barlamanka islamarkaana uu goob joog ka ahaa Ra'iisul wasaare C/wali Max'ed Cali ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Wasiirada uu ku dhawaaqay Ra'iisul wasaaraha oo uu sheegay inay wax ka qabanayaan amaanka iyo siyaasada Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Xukuumada cusub C/Wali Max'ed Cali oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadiisa wax ka qaban doonto amaanka Soomaaliya, lana dagaalami doonto Xarakada Al Shabaab iyo sidoo kale Musq maasuqa oo uu sheegay in uu u magacaabi doono Gudi la dagaalama .

Intaasi kadib ayaa codeyn gacan taag ah oo Gudoomiyaha barlamanka uu qaaday iyadoo Xildhibaan arintaasi dood ka dhiibtay aysan jirin ayaa waxaa ansixisay Golaha wasiirada cusub 397-Xildhibaan halka 21-kalana ay kasoo horjeysteen 2-kalana ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha barlamanka