Qodobo lagu kala saxiixday Shirkii wadatashiga ee Muqdisho

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maanta ayaa Xarunta Xalane ee Magaalada waxaa lagu soo GABA gabeeyay shirka wadatashiga ah oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay islamarkaana looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Shirkaani oo maanta ahaa malintii sedaxaad uu ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Warbixin looga dhagaystay Afar guddiyo oo loo diray inay kasoo shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa amaanka, sidii loo dhamayn lahaa Dastuurka qabyada, sidii loo meel marin lahaa dib u heshiisiinta iyo sidii dowladda wanaag loo heli lahaa, waxaana guddiyada loo xilsaaray arimahaasi ay ka kala socdeen dowladda KMG, barlamanka, Maamul goboleedyada iyo Ahlu Sunn Waljamaaca.

Mustaf Dhuxuloow oo ka mid ah Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG islamarkaana ka mid ahaa Xubnihii guddiga amniga oo soo diyaariyay qodobada oo ka hadlay shirkaasi ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Maamul goboleedka Puntland, Ciidamada Galmudug iyo Ahlu Sunna in la'isku dhafo islamrkaana tababarka si wada jir ah loo siiyo iyo in dowladda dhexe dhaqaalaha soo gala lagu taageero Maamulka Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, wuxuuna intaasi ku daray in hadii xitaa ay macquul tahay in Ciidamada AMISOM lageeyo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ayaa waxa ay sheegeen in arinta ugu xasaasisan ay aheyd dib u habeynta barlamanka, waxaana guddiga Dastuurka markii warbixintaani ay soo diyaariyeen ay sheegeen inay ku heshiin waayeen oo ay dib u dhigeen islamarkaana arintaasi loo daayay Madaxdii kulankaasi ka qeyb galaysay.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambasador Augustine Mahiga oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in afar qodob lagu heshiiyay inkastoo aan wax warmutiyeed ah aan kulankaasi laga soo saarin, waxaan afartaasi qodob ay kala ahaayeen

  1. Amaanka
  2. Dib u heshiisiinta
  3. Maamul wanaagga ama dowladda wanaagga
  4. Dhamaystirka Dastuurka.

Mahiga ayaa waxaa uu intaasi ku daray in beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ay mar waliba garab taagan yihiin dowladda Federalka KMG Soomaaliya islamarkaana dowladda looga baahanyahay inay xoojiso arimahaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay si aad ah usoo dhawaynayso qodobada inkastoo uusan qodob qodob u carabaabin Madaxweynaha, isagoo tilmaamay in dowladda sikasta ay ahaato ay dhaqan galinayso qodobada kasoo baxay shirka.

Madaxweynaha dowladda KMG ayaa waxaa uu ka dalbaday Mas'uuliyiintii kulanka xaadirka ku ahaa in Safaaradaha loo soo raro Soomaaliya maadaama uu sheegay in Muqdisho uu is badal ka dhacay, Soomaaliyana ay nabad tahay sida uu hadalka u dhigay.

Intaasi kadib ayaa kulanka go'aannada kasoo baxay waxaa halkaasi ku kala saxiixday Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG oo TFG-da ka socday, Maamulka Puntland oo uu u saxiixay afarta qodob, Wasiirka Waxbarashada Saciid Faarax, Galmudug, Wasiirka Qorshaynta, Max'ed Cali Raage, Ahlu Sunna, Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, IGAD waxaa u saxiixay Wakiilkeyda Somaliya Max'ed Saciid, Jaamacadda Carabta waxa u saxiixay Cabdalla Idiris, Midowga Afrikana waxaa u saxiixay Wafula Wamuyiyi halka ugu dambeyn Qaramada Midoobay uu u saxiixay Ambassador Augustine Mahiga, waxaana halkaasi kusoo gaba gaboobay shirkii wada tasiga ahaa ee qeybtiisa koowaad uu ka dhacay Muqdisho halka wajiga labaad ee shirkaasi lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.