Shabaab oo isaga baxay Muqdisho |
Muqdisho : Xarakada Al Shabaab ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho kadib dagaalo culus oo xalay Muqdisho ay kula galeen dowladda KMG Soomaaliya. Saacaddu markii ay ku beegneyd 11-kii Habeenimo ee taariikhdu ahayd 06/08/2011 ayaa Ciidamada dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna oo dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab waxaa uu dagaal ka xoogan kuwii todobaadkii tagay ka dhacayay Magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac. Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada AL Shabaab weerar saf balaaran ah ay ku qaadeen fariisimo Ciidama dowladda ay ku leeyihiin aaga dagaalka ee degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, degmada Dayniile iyo degmooyinka Woqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo maalmihii u dambeeyay dhinacyadaasi ay isku horfadhiyeen. Ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa dagaalka waxa ay isku adeegsadeen rasaas iyo Madaafiic aad u xoogan oo ku dhacaysay goobaha lagu dagaalamay iyo sidoo kale meelo ka baxsan taasi oo dhawaqeeda laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir saaamayna ku yeelatay dadka shacabka ah. Int la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay inka badan way ku dhaawacmeen dagaalkaasi kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah oo rasaasta iyo Madaafiicda ay ku haleeshay guryahooda sida Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal ay xiriiro kala duwan la samaysay. Intaasi kadib ayaa Al Shabaab oo la sheegay in dagaalka looga itaal roonaaday waxa ay isaga baxeen fariisimihii inta badan ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho sida degmooyinka Kaaraan, Yaaqshid, Huriwaa, Suuqa Bakaaraha, Dayniile iyo qeybo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyagoo la tilmaamay inay u ruqaansadeen dhinaca deegaanada loo barakacay, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in goobaha ay baneeyeen Al Shabaab aysan gaarin Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, hase ahaatee ay ku wajahan yihiin sida uu sharaxayo goob jooge ku sugan Saldhiga degmada Yaaqshid una dhuun duleelay arimaha la xiriira fariisimaha ay baneeyaan AL Shabaab. Inkastoo xiriiro kala duwan aan la sameynay Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya si aan warar dheeraad ah uga helno dagaaladii xalay iyo goobaha ay baneeyeen Al Shabaab hadana waxa ay inoo sheegeen inay ku jiraan howlgall dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab sidaasi daraadeedna xiligaani aysan wareysi bixin karin. |