Mareykanka oo sheegay inay fashilmatay dowladda Soomaaliya

Muqdisho : (Sh. M. Network) Warbixintii kasoo baxday dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka mid ah waxaa lagu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay ku fashilmatay wax ka qabashada arimaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda Mareykanka oo nuqul ka mid ah ay soo gaartay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca looga qaaday in dowladda Soomaaliya ay si guud iyo si gaarba u fashilmatay islamarkaana aysan waxba ku duwaneyn 14- isku day oo la doonayay in Maamul loogu sameeyo Soomaaliya oo dhamaanood horay u fashilmay 20-sano kadib bur burkii dowladdii dhaxe.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xaalada dalka ay haatan mareyso meel si aad ah u liidata islamarkaa dowladda KMG ah aysan wax badan ka qaban marxalada wadanka Soomaaliya sanadihii u danbeeyay xili dowladda ay kusii siqeyso 20-ka Auguto oo ah maandheydkii hore ee loo kordhiyay dowladda oo ay ku dhici laheyd taasi oo ay ka harsantahay muda bil ah sida lagu sheegay Warbixinta Golaha Atlantic-ga ee dalka Mareykanka.

Warbixintaani ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda KMG Soomaaliya ay ku tiirsan tahay ciidamada shisheeye ee jooga gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo Mas'uuliyiinta dowladda ku ilaaliya goobaha cayiman ee dowladda iyo ciidamada Ajaanibta ah ay ka joogaan magaalda Muqdisho, waxaana warbixinta ay intaasi ku dartay in dowladda aysan awood buuxda u laheyn si buuxda inay u maamusho goobaha kooban oo ay kaga sugan tahay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Warbixinta Mareykanka kasoo baxday ayaa waxa ay xustay in mudooyinkii lasoo dhaafay dowladda ay soo mareen fursado qaali ah oo ay ka mid yihiin taageero diblumaasiyadeed, mid siyaasadeed oo ay u dheertahay tababar Milatari oo la siiyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, hase ahaatee sida ay warbixinta sheegtay waxaa arintaasi saluugay ciidamada Nabad ilaalinta wadamada Burundi iyo Uganda ka jooga magaalada Muqdisho kuwaasi oo naftooda u huray difaacida madaxda dowladda KMG ah oo ay warbixinta sheegtay inay waayeen balan qaad ahaa inay ka bar bar dagaalamaan ciidamada iyo Madaxda dowladda.

Mareykanka ayaa sheegay in guul daro ay aheyd hamigii Madaxweyne Sheekh Shriif iyo Golaha wasiirada ay damacsanaayeen in mudo korarsi ay ku sameystaan, iyadoo Mareykanka uu sheegay in arimahaasi oo dhan ay dhaceen wixii ka horeeyay murankii u dhaxeeyay Madaxweynaha dowladda iyo Afhayeenka barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo ku baahay dunida inteeda kale inkastoo markii danbe labada Mas'uul ay ku heshiiyeen mudo korarsi 1-sana ah iyo in ay meesha ka saaraan Max'ed C/laahi Max'ed farmaajo oo ahaa Ra'isul wasaarihii hore ee xukuumada.