Luul Jeylaani Cali ( Luula) Boqoradda fanka Banaadiriga
Luul Jeylaani Cali ( Luula) waxaa ay ka mid tahay fannaaniinta Soomaaliyeed kuwooda loogu jecel gaar ahaan fankabanaadiriga oo ay muddo fog ku soo dhex jirtay iyada oo waliba qayb wayn ka soo qaadatay dhinaca heesaha ku luqayntooda, jilitaanka riwaayadaha qaarkood iyo saaridda miyuusikadaba.. Xaqiiqdii dadka faraha badan oo fanka banaadiriga aadka u xiiseeya, ayaa Luul ku tilmaamay in ay tahay heesaa firfircoon oo aanan marnaba codkeeda is baddalin taasoo aad ka dareemayso sida ay wali dadku u xiisaynayaan marka ay masraxyada soo hor istaagto oo codkeeda hallaasiga ah uu dadka si aad ah u soo jiito. Intii uu socday barnaamijkaasi waraysiga ah waxaa ay qaaday dhawr heesood oo aanan miyuusik loo garaacin taasi oo aad inoo soo jiidatay cododka kala duwan oo ay markaasi ku luqaynayasay oo aan ku tilmaami karno inuusan wax is badal ah ku dhicin codkeeda.
Luul waxaa ay ka qayb-gashay riwaayado faro badan oo ay ka mid ahaayeen:
Talo Xumo Tol Ma Badiso,
Maxaa keenay Masayrka,
iyo kuwo kale oo aad u faro badnaa oo aanan halkan lagu soo koobi karin. Sidoo kale waxaa ay ka qayb gashay barnaamij faneedyo ka dhacay meelo faro badan oo dunida ka mid ah oo ay casuumado ka heshay.
Luul haatan waxaa ay ku nooshahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ay la nooshahay caruurteeda .
Haddaba bahda Somali Net Magazine waxaa u suuro-gashay inay la kulmaan fannaanadaasi caanka ah kana waraystaan meertadeeda nololeed ee fanka. Waraysigaasi oo aad u dheeraa ,isla markaana taabanayay dhinacyo badan ayaan ku soo koobnay sidan:
SNM: Luul ugu horrayntii bal tafaasiil kooban naga sii sidii aad ku soo gashay Fanka iyo ciddii kugu soo gacan qabatay?
Luul: Waxaan fanka soo galay sannadkii 1969-kii. Waxaa jirtay markii aan yaraa inaan aad u jeclaan jiray heesaha hindiga ah. Habeenka Jimcaha ayaan waxaan gali jiray filim Hindi ah. Markii aan filimka ka soo baxo oo habeenkii seexdo ayaa waxaa dhici jirtay in anoo hurda aan heesihii filimka ku jiray qaado anoo waliba codkooda oo kale keeni jiray heesaha oo dhanna xafidi jiray. Ayaantii dambe ayaa waxaa I arkay fannaanka caanka ah ee Axmed Naaji Sacad oo gurigeenna imaan jiray.
Axmed Naaji wuxuu igu dhiirri-galiyey inaan heeso anigana waan ka aqbalay. Inkastoo dumarka banaadiriga ah aan loo oggolaan jirin inay heesaan oo gabadhii heesta ay bulshada dhexdeeda ka ahaan jirtay qof aad u xun haddana arrintaasi waan ka indho qarsaday xiisaha iyo kal-gacaylka aan fanka u qabay darteed.
Markaa Axmed Naaji waxa uu i gayn jiray degmada Caliyaale iyo meelo kale oo duurka ah wuxuuna i oran jiray iska hees oo iska qayli si codku kuugu furmo.
Marka fannaankaasi Axmed Naaji ayaan oran karaa wuxuu ahaa shaqsigii iigu horreeyay oo iigu dhiirri-galiyay fanka iguna gacan qabtay.
SNM: Marka riwaayaddii ama showgii ugu horreeyey oo aad ka qaybgashid ma xusuusataa?
Luul: Waxay ahayd riwaayaddii la oran jiray
“Talo xumo Tol ma badiso”.
Laakiin riwaayaddii aan ku soo caan baxay waxay ahayd riwaayaddii la oran jiray
“Xasuuso Haddaad Xis Leedahay” sannadkii 1972-dii.
Hees waxaa jirtay caan noqotay oo aan riwaayaddaas ka qaaday:
Cunto waa cuni waayee, cawadii hurdi waayee
Ceelaan ku dhecee, ku cariirsamayee
seen ku cayman karaaye, Casiis Waynow iga caawi
Cindigayga aan helee, Calafkayga ka yeelee SNM:
Haddii waddankii burburay adigu wali
fankii iyo heesihii ma sii waddaa,mise waad joojisay?
Luul: Xaqiiqdii kuma oran waan joojiyay fanka , kumana oran karo Waan sii wadaa. fanku waa wax niyadda iiga jira oo aan aad u jeclahay. Waana joojiyey oo sidii hore iskuma nihin mar-mar aan masraxyada imaado mooyee . hadda waxaa soo baxay dhallinyaro yar-yar oo heesahaygii qaada. Waxaa mar mar dhacda anoo qorshaystay inaan heeso oo soo diyaarsaday heesahaygii oo dhan inaan habeenkaas masraxa ka qaado ayaa waxaa heesihii aan soo diyaarsaday oo dhan iga hor-qaada dhallinyarada yar yar. Markaas maxaan meesha ka qaadaa? Kumana soo celin karo hees hadda la qaaday. Waxaana arrintani ay noqotay mid iga sii fogaysa xiisihii aan fanka u qabay. Inkasta oo aan aad ugu faraxsanahay dhallinyarada cusub oo soo baxaysa haddana waxaa dhibaato ah markii heesihii aad soo diyaarsatay lagaa hor qaado.
SNM: Fanka Banaadiriga goormuu soo caan baxay?
Abwaannadii ama fannaaniintii ugu caansanaa Banaadiriga yaa ka mid ahaa:
Luul: Fanka banaadirigu waa mid aad u da' wayn. wuxuu bilowday sannadihii 40-eeyadii. Waxaa jiray rag badan oo horumarka fanka banaadiriga qayb lixaad leh ka soo qaatay.
Waxaa ka mid ahaa:
Aweys Geeddow,
Macoow Aw diinle,
Dr. Raafi,
Caabbi,
laayac,
Iikar Shiikh Caliyow,
Shiikh Mayow Halaag,
iyo kuwo kale oo badan. Ragga ayaa codka dumarka ku heesi jiray intii aan dumarku fanka soo galin, tusaale ahaan Caabbi waxa uu mar-mar matali jiray dumarka.
Muddo ka dib waxaa soo baxay dumar badan oo fanka Banaadiriga ku soo biiray.
Waxaa ka mid ahaa:
Binti Axmed,
Aamino Jaamac (allaha u naxariisto),
Jiijo Kollo,
Asli Daruuro iyo kuwo kale oo badan. Markii dambena fannaaniitii caanka ku ahaa banaadiriga waxaa ka mid ahaa:
Faadumo Qaasim Hilowle,
Caasho Cabdow "Malaika" iyo aniga.
SNM: Ma jiraan wax farqi ah oo u dhexeeya fanka Banaadiriga iyo kan Soomaalida kale?
Luul: Runtii Farqi aad u balaaran ma jiro oo u dhexeeya. Waxa ugu wayn oo ay ku kala duwan yihiin marka riwaayadaha la dhigayo. inta badan marka riwaayadaha Banaadiriga la dhigayo waxaa jira dad heesaa ah oo aadan muuqooda arkeynin oo dhawaaqa heesta ay qaadayaan uu ku soo gaarayo iyo dad jilayaal ah oo masraxa dushiisa ku ciyaaraya taasi oo qurux iyo muunad gaar ah u yeelaysa hab masraxiyeedka fanka banaadiriga. Hase yeeshee fanka Soomaalida wuu ka duwan yahay oo qofka heesaya ayaa masraxa soo hor istaagaya oo hortaada ka heesaya.
SNM: Luul adiga heesaha aad ku luqayso yaa kuu allifi jiray?
Luul: Heesaha aan ku luqeyn jiray waxaa intooda badan allifi jiray allaha u naxariistee Abwaankii Dr, Raafi, waxaase jiray heeso kale oo iyaguna ay lahaayeen abwaaniin kale oo aan ku luqayn jiray.
SNM: Dad badan ayaa aaminsan in fanaaniinta Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ka soo cayaareen burburkii ku dhacay dalkeenna Hooyo, Arrintaas maxaad adigu Luul ahaan ka oran lahayd?
Luul: Arrintaas aad baan uga soo hor jeedaa waxaana oran karaa waa laga bad-badiyay. Abwaaniinta Soomaaliyeed waxaa ay mar walba cabiri jireen oo tusaalooyin wanaagsan ka bixin jireen waxa markaas taagan iyo sida ugu habboon oo looga gudbi karo. Meel kasta oo fannaaniinta iyo mu'allifiintu joogaan aad ayay uga xun yihiin dhibaatada ku dhacday waddankeenii. Waxaad wali ka arkaysaa Mua'allifiinta iyo fannaaniintuba sida ay wali bulshada ugu tabinayaan ra,yigooda wanaagsan una tusaalaynayaan inaan loo dhaamin dalkoodii oo ay tahay in laga shaqeeyo midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed.
SNM: Adigu Luul ahaan intii burburka ku dhacay dalkeennii hooyo wax heeso ama riwaayado baraarujin ah bulshada ma u soo bandhigtay?
Luul: Haa, Waxaa jirtay riwaayad wacyi galin ahayd oo aan dalka Kenya ku samaynay gaar ahaan xeradii qaxootiga ee Banaadiriga (Swaleh Nguru Refugee Camp). Waxaan bulshada ku guubaabinaynay in dagaalka la joojiyo oo nabadda laga shaqeeyo. Waxaa jirtay hees aan ka xusuusto oo riwaayadda ku jirtay oo aan aad u jeclahay.
Hal bacaad ku dhisaad ka dhigteen Halgankiinnii Horreeyee Huunfeey iyo Dooro Ahaanaa Idinkaa, idinkaa isku hariifsateen Reer hebel iyo reer hebelaad Isku haybsatiinee, hubka ood isku hoggaamiseen Ummaddaan ku halaagteenee, warhooy maad ka hartaan hadafkaan Soomaalaay Soomaalaay, ma heshiisaanoo
SNM: Heestani yaa allifay? Miraheeda iyo miyuusigeedana yaa saaray?
Luul: heestani aniga ayaa allifay, miyuusigeedana horay ayuu u jiray.
SNM: Luul waxaan la soconnaa in muddo aad ku noolayd dalka Sacuudiga, soo noqoshadaadii Soomaaliya waxaad ka qayb-qaadatay riwaayad aad u xiisad badnayd oo dadka aad u soo jiidatay, Ma xusuusan kartaa riwaayaddaasi iyada ah?
Luul: Haa, waxay ahayd riwaayaddii la magac baxday"Maxaa keenay masayrka "
SNM: Yaa riwaayaddaasi Allifay?
Luul: waxaa riwayaddaasi allifay abwaanadii Cabdulqaadir Nuuraani iyo allaha u wada naxariistee abwaanadii kala ahaa Dr. Raafi iyo Suldaan Amiin.
SNM: Heesaha caanka baxay ee riwaayaddaasi ku jiray maxaa ka mid ahaa? Yaase ku luqaynayay?
Luul: Heesaha caanka baxay ee ku jiray riwaayaddaasi waxaa ka mid ahaa hees aan ku wada luqaynaynay aniga iyo fannaankii Axmed shariif Killer oo ahayd:
Fududaanta ma fiicno aan kuu fasiro Fagfagtaada hadday badato faaideeye ma filayside Facshir iyo falaaxo min fadligaagii U fadhiisto anaa fiyoobeene
SNM: Heesahaaga aad qaadday tee ugu jeceshahay adigu shakhsi ahaan?
Luul: In kasta oo aan aad u wada jeclahay heesahayga haddana waxaan aad u jeclahay hees ku jirtay riwaayaddii “Maxaa keenay Masayrka”, oo ka turjumaysay nin naag qaba oo carruur leh, laakiin naag kale la tumanaya reerkiisana aan wax daryeel ah siinayn?
Gefkaan guddi oon u gaystee Iiga garsoora maa la waayee Gendi waaye jacaylkee, waaye jeceylkee Adigoon geeriyoobinee, god kaama dhaafaayee Waa I gubee waa I gamaariyee Goor dhaaxaan gegsahaayayee Gebagabaysaa la soo gaaree Gogol yaa loo dhigaa oo Ii gargoynayaayee Anigaa go'doomayee Garabkayga go'ayee
SNM: Riwaayaddii kuugu dambaysay oo aad ka qayb-gasho maxay ahayd? Yaase allifay oo maskaxdooda ay ka soo maaxatay?
Luul: 1990 kii ayay ahayd, waxaana magaceedu ahaa " Ka hari Waysay waa ku haysataa" inkasta oo ay riwaayaddaasi dhammaystirnayd haddana masraxa iyada oo aan imaan ayay dagaalada sokeeye billowdeen. Waxaana allifay allaha u wada naxariistee abwaanadii kala ahaa Dr. Raafi iyo Suldaan Amiin.
SNM: Heesahii ku jiray wax ma ka xusuusataa?
Luul: waxaa ka mid ahaa heestan :
Ima soo galaayo gafkiis haddiis garto Ii soo gurguurto ,gunta oo dhan soo garbeeyaan Goortii haddiin giiran lahaay malay gumaysteenee
SNM: Yaa ku luqaynayay heesihii ku jiray riwaayaddan?
Luul: waxaa ku luqaynayay aniga iyo fannaankii Aweys Khamiis Cabdalla .
SNM Maxaa u malaynaysaa in mustaqbalka fanka Soomaalidu uu ku dambayn doono?
Luul: Fanka Soomaalidu khatar buu ku sugan yahay mana u malaynayo inuu heer wanaagsan ku tallaabsan doono haaddaanan la dabo qaban.
SNM: Maxaa ka mid ah luul khataraha jira ee kuu muuqdo oo aad ku cabirayso in fankii uu dabo qabasho u baahan yahay?
Luul: Dhibaatooyin faro badan ayaa ii muuqda oo u baahan in wax laga qabto, kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah: 1) Fannaaniintii ( ha noqdaan kuwa waaweyn iyo kuwo yaryarba) oo u batay kuwo raba inay dhaqaale ku sameeyaan fanka oo kaliya. Ma jiraan dad niyad wayn u haya oo jacayl ay u qabaan fanka dartiis u heesaya. 2) Qabiilkii ayaad mooddaa in cid kastaa uu saameeyay oo xataa fannaaniintii uu u noqday fanka sidii hub oo kale. 3) jiilka cusub ee fannaaniinta ( waa dhallinyarada soo baxaysa)oo aanu is lahayn ha badaleen kaalintiina oo aan rabin in heeso cusub loo allifo oo abwaaniinta ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan. Waxay rabaan in heeso horay loo qaaday ay ku soo celceliyaan. Iyada oo ay jiraan abwaaniin diyaar u ah oo heeso cusub allifi kara. Arrimahaasi iyo kuwo kale oo faro badan waxaad mooddaa inay fankii hoos u sii jiidayaan.
SNM: Maxaa kuugu yaab badnaa intii aad qurbaha ku noolayd?
Luul: Runtii ma aha wax halkan lagu soo koobi karo qurbaha iyo dhibaatooyinkiisa. Arrinta ugu daran oo aan dhawr jeer aan la kulmay waxay tahay muranka faraha badan ee ka dhex jirta qoysaska Soomaaliyeed ee halkan u soo haajiray taasi oo gabagabadii muranka doodda natiijadiisu noqoto reerkii oo duma horayna u socon waaya. Macnahu ma aha qoysaska Soomaaliyeed ayaa ugu badan qoysaska duma laakiin waxaad moodaa haatan inaan safka hore ku jirno. Waxaana oran lahaa Ragga iyo Dumarka Soomaaliyeedba yaysan raacin noloshan dhalanteedka ah oo aynu halkan ugu imaanay hana ku dadaalaan inay caruurtooda sida ugu wanaagsan u barbaariyaan ugana warqabaan.
SNM: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed iyo fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan?
Luul: Waxa ugu wayn oo aan oranayo guud ahaanba Soomaalida waxaa weeye inay khilaafaadkooda xalliyaan oo isu tanaasulaan oo qarankii Soomaaliyeed dib loo soo celiyo. Xaqiiqdii Dhibaatada dalka Soomaaliya gudahiisa ka jirta mid la mid ah oo waliba aad khatar u ah ayaa haysata dadka Soomaaliyeed ee qurbaha u soo haajiray ee ka soo cararay dagaalada sokeeye ee daba dheeraaday taasoo aan hubo maanta haddii nabad la helo in dad badan oo qurbaha ku nool ay jeclaan lahaayeen inay dib ugu noqdaan dalkoodii hooyo haba ugu sii badnaadeene hooyooyinka caruurta faraha faraha badan ku haysta qurbaha ee u baahan in gacan adag lagu qabto iyo waayeelka oo aan u adkaysan karin qabowga xad-dhaafka ah iyo kulaylka intaba. Runtii ma aha wax halkan lagu soo koobi karo dhibaatooyinka halkan nagu haysta ee waliba joogtada ah oo aad mar kasta la kulmayso, waxaana kuu muuqanaysa in gudahii dalka iyo dibaddiiba shacbiga Soomaaliyeed uu ku dhibaataysan yahay oo loo baahan yahay in la samato-bixiyo.. Dhanka fannaaniinta` waxaan oran lahaa aad ha ugu dadaalaan tusaalaynta, wacyi-galinta iyo baraarujinta bulshada Soomaaliyeed ee xumaanta iyo qabiilka la kala dhex dhigay. Waxaana Allaha awoodda badan uga baryayaa ummadda Soomaaliyeed in quluubtooda isu soo toosiyo, jidka toosanna uu tusiyo. Aamiin. Idinkuna aad ayaad u mahadsan tihiin.