FINE ARTS by SHEKIS




Arrintooda waa wada tashi
“Wa Amruhum Shuuraa Beynahum”
Barwada Reer Banaadir
(Banadir's plaintif)
W.Q. Cismaan Amiin Axmed
Email: osmanamin2004@yahoo.com
January 28, 2010

Findhicil, ma xalaal baa mise waa xaaraan? .. soo qaadistiisaaba yaqyaqsi leh. Dastuur u samaynta Muqdisho ayaa sidaas oo kale ah. Dastuur u samaynta magaalo, degmo amaseba Gobol waxay u baahan tahay sharci iyo xukuumad awood u leh dhaqangelintiisa. Dowladda KMG, waxay cuskan tahay xeer is faham, oo faraayo in muddo cayiman ay ku soo diyaariso Dastuur dalka lagu dhaqo iyo in magaalada Muqdiscio caasimada dalka loo sameeyo darajo (status) gaar ah iyo xeer u gaar ah.

Xukuumadda waxay ku fashilantey in muddadii loo qabtay iyo waqtigii labada sano ahayd loogu kordhiyo in ay sameyso “draft” dastuur ah ay hordhigto Hey' adaha u xilsaaran iska daayee inay sameyso dastuur dhameystiran laga ansaxiyay Hey'adaha dowladda, afti shacbi ahna loo qaado. Inta Dowladda ay u xusul duubi lahayd soo gunaanadka mas'uuliyadda ay sheeganayso, ayay bilowday wargafasho iyo xaraarug aan meel looga waabaneynin. Waxay la soo baxday magacaabid xilal deegaanno aan gacantoodaba ku jirin iyo in la yiraahdo Muqdisho ayaa dastuur loo samaynayaa, iyada oo weliba la sameynin Dastuurka arrintaasi faraayo. Haddaba waxaa isweydiin leh; dastuur u samaynta Muqdisho ma xalaal baa mise waa xaaraan. Waa sheekadii “gubadkaan, gubadkiis ….”

Mar haddii”scenario” ha sidaasi yahay, lana soo qaaday dastuur u samaynta caasimadda, tahayna meel qorrax ah qasri baraf kaga dhis, waa habboon tahay in la soo hadal qaado sida ay wax u socdaan. Dastuur samayn waa “process” adag, una baahan ka baaraan degid iyo wada tashi wejiyo badan. Waxaase is weydiin leh, xukuumadda Islaamiga sideybay u fasirteen: “Wa Amruhum Shuuraa Beynahum” (arrintooda waa wada tashi). “Surat Al-Shuraa, Aayadda 38”. Miyaa loo micneeyay inta talada xukunka ugu jirto keliya ha wada tashadeen, mise shacbiga arrinta khuseeyso halala tashado. Muqdisho dastuur u sameynteeda miyeynaan ku habboonayn wada tashigaas inay qayb ka ahaadaan dadka deegaanka ku abtirsado oo dhan.

Milicsi taariikheed il-biriqsi ah

Muqdisho, waxay ahayd magaalo ka soo dhex muuqatay magaalooyinka kale ee Bariga Afrika ee ku teedsan xeebaha Badweynta Hindiya.

Waxay ahayd magaalo ganacsi oo bilicsan sida uu xusay Ibnu Batuuta, Badmareenkii reer Marooko oo sanadkii 1331 soo booqday Muqdisho.

Waxay ahayd sanadkii 1991, markii USC-da awoodda isbidday ay is hortaageen ergadii reer Banaadir dayaaraddii ay u qaadi lahayd Dalka JABUUTI oo shir uga socday ururada Soomaalida halkaas oo Cali Mahdi madaxweyne loogu soo magacaabay.

Had iyo jeer inta aad nooshahay, waxaad la kulmi kartaa wax kale oo kaa yaabiya, arrintaas waxay dhacday sanadkii 1993 markii Jeneraal Caydiid oo diyaarad qaas ah lagu keenay uu diiday in ergada reer Banaadir ee ku sugnaa magaalada Addisababa ay ka qayb galaan shirkii Ururada Soomaalida uga socday Dalka Itoobiya, inkastoo loo oggolaaday ka qayb galka shirka markii uu Butrus Butrus Ghaali (Xoghayahii Guud ee UN-ka) xilligaas uu soo farageliyay arrintaas caddaaladda iyo diblomaasiyadda ka fog.

Shalay haddii reer Banaadir ay ka cabanayeen dhacdooyinka inkirmaadda (denial) ah ee kor ku xusan iyo gabood falka awood qaybsiga dulmiga ku dhisan ee 4.5, oo aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ka qayliyay, maanta waxay dacwad ka yihiin sida Cabdulqaadir Cali Cumar, Wasiirka Arrimaha gudaha ee DKMG uu isu-hortaagay in reer Banaadir ay ka qaybgalaan shirkii looga arrinsanaayay magaaladooda, magaaladii ay soo dhisayeen tan iyo Qarnigii 1aad sida ku xusan Buugga caanka ah ee “PERIPLUS OF ERYTHRAEAN SEA” oo la qoray bartamihii Qarnigii 1aad dhalashadii Nebi Ciise ka dib (A.C). Madoowe Nuunow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka soo ma ahan ugu yaraan in uu caddaldda ka xishoodo oo uu dib u eego arrintaas.

Maantana waa maalin kale oo reer Banaadirka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka ash-takoonayaan tacdiyo ka dhan ah xuquuqdooda siyaasiga ah loo gaysanayo. 16kii Disember ee sanadkii hore, reer Banaadir waxay u ahayd maalin kale oo “madow” markii lagu xormaynwaayay ugu yaraan arrimaha iyo doodaha quseeya magaaladooda iyo guud ahaan degaanada kale ee awoowayaashooda ay dhidibada u soo aasay.
Falalkaas xadgudubka ah ee soo noqnoqday ma loo qaadan karaa in ay tahay tilaabo loo qaaday xaggaas iyo isir nacayb ama isir tir (ethnic cleansings).

Door sharaf huwan

Qowmiyadda reer Banaadir waxay umadda Soomaaliyeed dhexdeeda ku leedahay door sharafeed. Odayaasha Banaadiriga ayaa door weyn ka soo qaateen is-dhexgalka, isdhexmarka iyo isu kala socoshada gobollada; xilliyadii Soomaalida ay yiqiineen iskuna aqoonsan jireen qabiilka keliya. Ganacsatadii reer Banaadir ayaa suurta geliyeen, suurtagalna ka dhigeen in Soomaalinimo laysku dhexmaro, qofka Soomaaligana uusan gobollada oo dhan uusan marti ka noqonin.

Taasi waxaa xigtay, haddii la soo koobo, dhaqdhaqaaqyadii xurnima doonka. Waxgaradkii reer Banaadir ayaa hor istaagay isticmaarkii dalka lagu hayay, ummadda gobanimo u horseedeen, markii ay abaabulayn dhaqdhaqaaqyadii xornima doonka, naftooda iyo maamulkooda ugu baabac dhigeen, isticmaaradii xoogga isbidayna ka hortageen, markii Soomaali gees ka gees ay ku guuleysteen inay ka dhaadhiciyaa qaddiyadda iyo xorriyadda Soomaaliya. Taasine waxaa lagu gaaray daacadnimada iyo hufanaanta ay shacabka oo dhan ay kalsoonida kaga kasbadeen.

Dulqaad iyo tanasulaad ayay hoggaamiyaashii reer Banaadir ula yimaadeen markii la gaaray xorriyaddi, nasiib darrose manfac raadis loo wada guntaday. Hoggaamiyaashii reer Banadir oo hadafkooda ahaa dalka inuu xurroobo, maamulkii iyo siyaasaddii waxay u daayeen beelihii kale; waxay hammigooda labaad ahaa in waddanka dhaqaalihiisa la kobciyo, sidaas awgood waxay u jeesteen xirfadahoodii iyo farsamadoodii. Bulshada reer Banaadir waxay noqdeen kuwa ugu horreeyay ee bixiya canshuurta dowladda ay ku tiirsanadeed.

Burburkii ka dib, hoggaamiyaasha Banaadiriga waxay durbadiiba asaaseen xisbi siyaasi (SNU) oo loola jeeday qarankii burburay in dib loo soo celiyo, Waxayna ka fogaadeen hub urursigii iyo is colaadintii. Kamana ay seexanin qadiyyaddii ahayd dib u soo celinta qarannimadii burburtay iyadoo ay jirtay duruufihii kor aan ku soo xusnay oo lagu niyad jebin rabay. Waa qowmiyadda keliya oo aan hub qaadanin xilligii dheeraa oo uu burburka socday. Shacabka Banaadiriga waxaa qiimo weyn u leh dhiigga banii Aadanka, gaar ahaan dhigga Soomaaliyeed. Dhaqankooda ayaa ahaa xattaa haddii qof laga dilo, ma oggolaan jirin in qof loo dilo, diyana ma qaadan jirin ee Faatixa ayay qaadan jireen. Arrintaasine waxay kaga kasbadeen xushmad iyo kalgaceel badan bulshada Somaaliyeed dhexdeeda. Haddaad doonto akhriso: “Walaa Tastawil Xasanatu, Walassayi Atu … …” Aayah 34, suuratu Fussilat “ . (Xumaha iyo samaha ma sinna ….)

Waxaa wax lala yaabo ah xukuumadda oo fadhigeeda uu ku kooban yahay xaafadaha Xamar Weyne, Shingaani, Xamar jajab iyo Waaberi oo intaba deggan reer Banaadir(Muqdisho) iyo intii ay ku martigeliyeen oo ay xukuumaddu ka mid tahay, inay maanta ay xukuumadda ay inkirto jiritaanka reerka gogoshiisa ay fadhido. Arrintu ma aha abaalsheegasho iyo faan, laakiinse Soomaali waxay tiraahdaa: Haddi lagu sheego isa sheel, haddii lagu sheelana isa sheeg



GEEL MAXAAS KUU GARTAA

GAR MAKUU GOYN KARAA

GAAL ISLAAM MAAS GALAA

GABARTII GUURSIGEED

WAAN GAFEE.

MA GUURAA GOD MAAN GALAA.






Cabdulqaadir Muxammad Shekis
Cudurka ku dhacay Soomaaliya oo weli daawo loo la'yahay.Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan yahay meel kasta  uu ku sugan yahay dibadda in uusan heli karin magaalo u dhigan .
“East and West Home is the best “

 
 
 
Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay
Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.
 

Taariikhda Hijriyada markay ahayd 149 waxaa magaalada Muqdisho yimid 12 qabiil oo ay kala hoggaaminayeen dad isugu jira Culumaa'uddiin, madax iyo ganacsato reer Xadramuud ah. Waxaa ka mid ahaa qabaa'illadaa Shaanshida, Duruqba, Reer Qaxdaan iyo Reer Makhzuum. Masaajidda ay waqtigaa dhiseen waxaa ka mid ahaa masjidka ay hadda ka muuqato Minaarada C/casiis. Qabaa'illadaasi illaa iyo hadda waxay deggan yihiin magaalada Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kale. 

Sidoo kale 7-dii walaalaha ahaa ee Reer Xaarith, oo isugu jira Culamaa'uddiin, mas'uuliyiin iyo ganacsato ayaa iyana tagey magaalada Muqdisho, iyagoo wata 3 Doomood oo ay la socdeen dad aad u fara badan. 

Dadkaasi waxay ka soo baxsadeen ninkii waqtigaas madaxda ka ahaa magaalada Al-Axsaa. Safarka kooxdaan wuxuu isna door lama illaawaan ah ka qaatay faafintii diinta Islaamka ee Soomaaliya.


Qarnigii 7-aad waxaa xukunka Muqdisho Shiiraasiyiintii kala wareegay Amiir Maxamed Cali, oo ahaa masuul ku caan baxay faafinta diinta iyo sameynta
saldhigyada Islaamka. Taariikhda Hijriyadu markay ahayd 667 wuxuu dhisay amiirku masjidkyada kala ah:-

^     Muxamadul Awal
^     Masjidka Muxamadu Thaani
^     iyo Masjidka Arbaca Rukun. 

Sidoo kale, waxaa isla qarnigaas sanadii 612-dii Hijriya magaalada Muqdisho yimid Wasiir ka socday Imaamkii waynaa ee Cali ibnu Tabaktakiin Al-kukbari oo loo yaqaan Al-malikul-mudafar. Wasiirkan waxaa magaciisa la oran jirey Sheekh Cusmaan ibnu Xaaji Cali ibnu-sheekh Muxammad ibnu Saciid, wuxuuna xaafadda Shengaanni ee magaalada Muqdisho ka dhisay guryo badan oo saro ah. Wasiirkan waxaa la yimi dad badan oo isugu jirey kuwo la socday iyo kuwa kusoo hirtey. Waxaa la weriyaa in dadkaas dhinaca Malikul- Mudafar ka yimi ay door wayn ka qaateen faafinta diinta Islaamka. 





©opyright: hamaradde.com 2008