FINE ARTS by SHEKIS






 
Sanad Guuraddii 50kii Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed

warkan oo na soo gaaray 01/07/2010

By Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com

Sida la wada ogsoon yahay maanta oo ah 50 guuraddii calanka iyo qaranimadda soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca labada gobol, waxaa xusid mudan maanta oo ah maalin weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed, waa maalin duco iyo abaal ba muddan. Sidaasi darted waxaan halkaani hambalyo uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan . Runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin oo ku weyn quluubta shacabka soomaaliyeed , waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay.

Waxaan halkaani hambalyo si gaar ahaan ugu soo jeedinayaa walaaleheyn reer Soomaaliland guusha ay gaareen oo ahayd in ay ka gudbeen Qabiil oo ay u gudbeen Qaran iyo Dimoqaraddi dhab ah , sidaasi dareteed waxaan leeyahay walaalaha koonfurta in ay kaga daydaan dadaalka dheeraaka ah ee ay muujiyeen shacabka reer Soomaaliland.

Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah 50 sano ka dib soomaalidii xorta ahayd in ay u kala googodo dhowr qaybood oo weli ay ku sii socdaan wadadii gaarsiin lahayd inay degmo degmo u kala googo'aan taasoo farxad gelineysa gumeysiga soo jireyka ah ee cadowga ummadda soomaaliyeed.

Arrimaha aan kor ku soo xusay oo ah kala taga shacabka soomaaliyeed waxay ahayd qorshahii gumeysiga uu dajiyey soomaalidii ka madaxbanaanaatey gacantii gumeysiga, taasoo ujeeddada ugu weyna oo laga lahaa ay ahayd in la iska ilaabo in lagu fakaro in ay dib u soo noqoto himiladdii halgankii xisbigii SYL oo ahaa in maalin la gaari doono ama la heli doono soomaali weyn oo xor ah . Burburka iyo kala taga maanta dalka ka jira waxay salka ay ku haysaa barnaamijkii gumeysiga iyadoo ka tarjumeysa riyaddii gumeysiga uu ka tagay markii dalka laga xoreeyey , waxaa ayaan daro ah in gacamaha dadweynaha soomaaliyeed lagu fuliyey burburka iyo kala taga maanta dalka uu ku sugan yahay.

Waxaan xusid mudan oo aan mar na la ilaabi Karin in dad weyn fara badan u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maannta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinayaa haybadda iyo sharafta qaranimada dalka iyo dadka soomaaliyeed. Waa arrin laga xumaado in koox wax magarad ah in ay calanka ku tilmaamaan wax aan qiimo ku fadhinin, waxaan leeyahay kooxdaasi calankaani buluuga ah wuxuu astaan u yahay jiritaanka shacabka soomaaliyeed, ummad kasta ba ha noqdeenn muslin ama gaal waxay xaq u leeyihin in ay yeeshaan astaan iyaga u gaar ah soomaali na waxay ka mid tahay umaddaha adduunka waxayna xaq u leedahay astaan lagu garto.

Waxaan dhab ah in xornimadda maanta aynu haysano waxay ku timid dhiigii dadweynaha soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray taasoo aan si na lagu ilaabi Karin {Gobanimaddu: waa geed har weyn oo ku baxa dhiiga dadweynaha} , xornimadau waa qaali ma ah mid ku timid si fudud balse waxaa loo hibeeyey geesiyaddii dalka oo u daadiyey dhiigood qaaliga ah. Gobanimaddu waxaa lagu gaaray halgen adag, wadajir, daacadnimo, isku kalsooni iyo midnimo wadaniyad xambaarsn.

Waa arrin laga naxo in mirihii gobanimadoonka ay ku burburaan gacan soomaaliyeed oo aan dan ka lahayn dadka iyo dalka ba , kuwaasoo aan oggoleyn qaranimadii iyo sharaftii dalka uu lahaa in ay dib u soo noqoto , waxaana laga shaqeeyey in ay soomali dib dambe ugu soo noqonin awooddii ay shalay lahayd taasoo lagu tilmaami jiray Libaaxyaddii Geeska Afrika.

1da Luuliyo waa maalin xusuus weyn ku leh dhamaan ummadda soomaaliyeed runtii xornimadda ummadda soomaaliyeed si sahlan kuma imaanin balse halgan adag ayaa loo soo galay oo naf iyo maal ba loo huray, taasoo dad badan ayaa dhiigooda ugu hibeeyey sidii loo gaari lahaa xornimo taam ah . Sidaasi darteed halyeeyadaasi naf iyo maal ba u huray sharafta maanta aynu haysano waxay naga mudan yihiin in aan xusno isla markaasi na aan u duceyno inuu janaddii firdoosa ahay Eebbe ka waraabiyo.

Xisbigii SYL koonfur iyo SNL waqooyi oo xusid mudan doorkii ay ka soo qaateen soo dhallinta xornimada maanta aynu ku faano, shacabka reer waqooyi waxay go'aansadeen in ay soo raacaan walaalahood konfureed, maxaa yeelay waqooyi had iyo jeer waxay hamineysay ama ay ka shaqeyn jirtay midniamda soomaali weyn , taasi waxaa daliil cad u ah in cuqaashii goboladda waqooyi 1946dii waxay ingriiska ka codsadeen in soomaaliya u mideyo iyagoo ku adkeyey ingriiska inuu isku daro 5ta soomaaliyeed , sannadkii 1947dii mar labaad codsi kale ay u jeediyeen ingriiska iyagoo ku adkeynaayey in soomaali mideysan la helo oo ingriiska hogaanka u qabto isla markaasi na gaarsiiyaan xornimo taam ah oo ka kooban soomaali weyn, qoraalkii Uurdoox u gudbieyey uu ku sheegay in 90% ummadda soomaaliyeed ay isku raacsan yihiin in ay helaan xornimaddooda iyagoo mideynsan 5ta soomaaliyeed ah , maadaama ingriiska gacanta ugu jirtay inta badan ee qeyba soomaaliya, taasoo ahayd himilada shacabka soomaaliyeed.

Haddii aan si kooban u dul maro taariikhda 1Luuliyo oo ah maalin weyn oo aan lagu soo koobi Karin qoraalkaani laakiinse waxaan jacalahay in aan waxa yar ka xuso.

Bishii September 1949kii Qaramada Midoobey (United Nation) shirweynii ay yeesheen waxay go'aan sadeen in soomaaliya loo dhiibo maamulkeedii Dawladda Talyaaniga iyadoo 4tii dawladood oo ah kuwii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka ay u ahaan doonaan la talinta maamulka muddo 10 sano ah in soomaaliya la gaarsiiyo xornimo.

1dii April 1950kii Taliyaniga wuu ingriska kala wareegay Mamulki dalka Soomaliya.

12kii Oktobar 1954tii waxaa la gudoonsaday in Dalka loo sameeyo calan,kaasoo noociisa ah blug oo dhexda kaga taal xidig cad oo shan geesoo ah, taasoo macnaheeduna yahay shanta SOOMAALIYEED oo 1884tii shirweynihii Berlin lagu qaybsaday soomaaliya
1954-1958dii waxaa la qabtay dorashooyinkii golayaasha degaannada dalka oo dhan waxaa kaloo la abuuray golaha sharci dejinta.

29kii April 1956dii waxaa la qabtay doorashooyinkii siiyasadda lagu na soo doortay dalka oo dhan. Golahaasi wuxuu ka goonaa 70 kursi. 60 ka mid ah waxaa loo qeybiyey xisbiyadii tartamaysay , SYL waxay heshay 43 kursi , Xisbiya na 13 kursi , 10 kursina waxaa loo qeybiyey ajaanibta dalka ku noolaa , (a) Talyaani 4 kursi (b) Carabta 4 kursi (c) Pakistan 1 kursi (d) Hindi 1 kursi , Xisbiga Dimoqaradiga 3 kursi iyo Xisbiga Midowga M 1 kursi . Golahaasi oo ahaa kii golaha shacabka ee la soo doortay waxaa guddoomiye ka noqday Mudane Aadan Cabdulle Cismaan.

7dii Maajo 1956dii SYL waxaa loo xilsaaray inay soo magacawdo Ra'iisal Wasaare, Ra'iisal wasaarihii ugu horeyna waxaa loo soo magacaabay mudane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo soo dhisay dawlad ka kooba Ra'iisal wasaare iyo 5 wasiir.

1959kii CABDULAHI CIISE uu soo dhisay dawlad ka kooban Ra'iisal Wasaare iyo 10 wasiir .
12 April 1960kii waxaa la dhisay ciidan xooga dalka soomaaliyeed oo uu hogaaminaayay Allaha ha u naxriistee General Daa'uud Cabdulle Xirsi, khudbadii ugu horeysay ee uu soo jeediyey Allaha ha u naxriistee wuxuu yiri, “ Maanta waxaa la aasaasay Ciidankii dalka daafi lahaa haddii cadaw ku soo gardarooda ama ku soo duulo.

1da Luuliyo 1960kii oo ahayd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi. Golahii barlamaanka na wuxuu ka koobnaa 123 xubnood, koonfur waxay lahayd 90 xubnood waqooyina 33 xubnood .

Shirkii ugu horeyey ee barlamaanka uu qabto waxaa ka soo qeyb galay 115 xubnood inta kale na way ka maqnaayeen , shirkaasi na waxaa si buuxda lagu doortay madaxweynihii ugu horeyey uu dalka yeesho wuxuu ahaa , Allaha ha u naxriistee Mudane Aadan Cabdulle Cismaan, waxaana Ra'iisal Wasaare u noqday Allaha ha u naxriistee Mudane Cabdirashiid Cali Sharma'arke .

Sannadkii 1964tii waxaa na dawladii labaad dib u soo dhisay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xusein.

Bishii June 1967dii waxaa madaxweyne loo doortay Muddane Cabdirashiid Cali Sharma'arke, oo soo magacaabay 15kii Luuliyo Ra'iisal Wasaare Allaha ha u naxriistee Mudane Ibraahim Cigaal oo soo dhisay dawladii seddexaad .

Nasiib daro waxaa noqotay in 15kii Oktoober 1969kii lagu dilay magaalada Laas caanood madaxweynihii dalka Muddan Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo booqasho ku maraayey goboladda waqooyi .

Dilkaasi ka dib 21kii Oktoobar 1969kii waxaa dalka qabsaday ciidanka {Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed}oo uu hogaaminaayey Allaha ha u naxriistee Maxamed Siyaad Bare.
Sannadkii 1976dii waxaa lagu dhawaaqay Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (Somali Revolutionary Socialist Party) ,muddo 21 sanadood ah ayaa dalka gacanta ku hayay xukun Military ah oo aaminsanaa hantiwadaaga cilmiga ku dhisan.

26kii Janaayo 1991kii oo ahayd maalintii ay dhacday maamulkii Militariga oo u hogaaminaayey Mahamed Siyaad Barre, ilaa iyo maanta weli waxaa la la'yahay dawlad awood badan oo dalka oo idil maamuli karta. Markii ay dawladdi dhexe ay halkaasi ka baxay shacabka soomaaliyeed waxaa ku habsaday musiibo oo ilaa iyo manta ay ka soo kabsan la'yihiin, haybaddii iyo sharaftii ay adduun weynaha ku lahaan jireyna ay burburtay. Waxaanu ilaahay ka baryeynaa inuu dib u soo celiyo sharaftii iyo haybaddii ay lahaayeen shacabka soomaaliyeed.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in ummadda soomaaliyeed in ay xil adaga iska saaraan sidii looga hortagi lahaa qorshooyinka foosha xun gumeysiga cusub la damacsan yahay dhulka soomaaliyeed inuu kala jar jaro oo maanta indhaha dadweynaha soomaaliyeed aan ka qarsooneen , sidaasi darted dhallinyaradda maanta jirta waxaa looga baahan yahay in ay go'aan adag qaataan isla markaasi na ay oggaadaan inuu xil ka saran yahay samata bixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay ka hortagaan damac gumeysiga madow iyo kuwa soomaali diidka ah oo aan marnaba ogoleyn in ay dalka ka dhallato dawladda mideysan oo awood badan oo hogaanka u heysa ummaadda soomaaliyeed, kana difaacda cid alla ciiddii ku soo gardaroota ciida soomaaliyeed.



Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com




Cayaaraha adduunka si toos ah ugala soco halkan




Sideey Manoogto cartoon by Shekis




Cabdulqaadir Muxammad Shekis
Cudurka ku dhacay Soomaaliya oo weli daawo loo la'yahay.Sida runta ah qof waliba maanta waa uu ka dheregsan
yahay meel kasta  uu ku sugan yahay dibadda in uusan heli karin magaalo u dhigan
.
“East and West Home is the best “



Dr.Cabdulqaadir Xaaji Suufi Mox.d
(MURRIDI GOLF )
Qoraaga Buugga:

( WAA LA AAWEEYA XUSHMEEYA )

Reer Banaadiriga waxaay ahaayeen dad xadaarad leh waxaayna xiriir la lahaayeen ,Carabta waxaayna safar ku aadi jireen doonta lo yaqaan xariin waxayna ku aadi jireen meel ugunji la yirahdo iyo zanzibaar bayacmushtar laga sameen jiay 1950 ki



Magaca Muqdisha waxaa bixiyey nin la oran jiray Cumar Bini Maxamed Al-Calawaan Ashaah oo ahaa wakiilkii Cabaasiyiinta iyo Umaawiyiinta waagaasna magaalada aad uma dhisneyn inta badanna markaas kaddib ayaa la geed qaaday, waxaana sidoo kale yimid waqtiyo kala duwan niman badan oo sahmiyayaal sida Xalwaan Shiraasi oo ah ninkii dhisay Masjid Jaamaca Xamar Weyne,

Sh.Abba wuxuu geeriyooday 17/08/2008 kuna geeriyoday Mukaala ( Yemen )




Dr. NURADDIN HAGI SCIECKEI

Qoraaaga:Buugga::
BANAADIRI IYO AL-MANAARA

Waxaanu codsanaynaa anagoo tixraacayna Dastuurka, in dhulkeena hooyo uu noqdo dhul federaal ah, taasina ku salaysan sida dastuurka ku cad, federaalkana in micnihiisu lagu dhaqmo, ha ahaato, maamulka, siyaasada, muwatilnimada iwm.



Taariikhda Hijriyada markay ahayd 149 waxaa magaalada Muqdisho yimid 12 qabiil oo ay kala hoggaaminayeen dad isugu jira Culumaa'uddiin, madax iyo ganacsato reer Xadramuud ah. Waxaa ka mid ahaa qabaa'illadaa Shaanshida, Duruqba, Reer Qaxdaan iyo Reer Makhzuum. Masaajidda ay waqtigaa dhiseen waxaa ka mid ahaa masjidka ay hadda ka muuqato Minaarada C/casiis. Qabaa'illadaasi illaa iyo hadda waxay deggan yihiin magaalada Muqdisho, Marka, Baraawe iyo meelo kale. 

Sidoo kale 7-dii walaalaha ahaa ee Reer Xaarith, oo isugu jira Culamaa'uddiin, mas'uuliyiin iyo ganacsato ayaa iyana tagey magaalada Muqdisho, iyagoo wata 3 Doomood oo ay la socdeen dad aad u fara badan. 

Dadkaasi waxay ka soo baxsadeen ninkii waqtigaas madaxda ka ahaa magaalada Al-Axsaa. Safarka kooxdaan wuxuu isna door lama illaawaan ah ka qaatay faafintii diinta Islaamka ee Soomaaliya.


Qarnigii 7-aad waxaa xukunka Muqdisho Shiiraasiyiintii kala wareegay Amiir Maxamed Cali, oo ahaa masuul ku caan baxay faafinta diinta iyo sameynta
saldhigyada Islaamka. Taariikhda Hijriyadu markay ahayd 667 wuxuu dhisay amiirku masjidkyada kala ah:-

^     Muxamadul Awal
^     Masjidka Muxamadu Thaani
^     iyo Masjidka Arbaca Rukun. 

Sidoo kale, waxaa isla qarnigaas sanadii 612-dii Hijriya magaalada Muqdisho yimid Wasiir ka socday Imaamkii waynaa ee Cali ibnu Tabaktakiin Al-kukbari oo loo yaqaan Al-malikul-mudafar. Wasiirkan waxaa magaciisa la oran jirey Sheekh Cusmaan ibnu Xaaji Cali ibnu-sheekh Muxammad ibnu Saciid, wuxuuna xaafadda Shengaanni ee magaalada Muqdisho ka dhisay guryo badan oo saro ah. Wasiirkan waxaa la yimi dad badan oo isugu jirey kuwo la socday iyo kuwa kusoo hirtey. Waxaa la weriyaa in dadkaas dhinaca Malikul- Mudafar ka yimi ay door wayn ka qaateen faafinta diinta Islaamka. 




©opyright: hamaradde.com 2008